WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Talibaan oo si rasmi ah ula wareegtay Dooxada Panjshir kuna…

Afhayeenka ururka Taalibaan Zabihullah Mujahid, ayaa shir jaraa’id uu maanta qabtay ku sheegay in Taliban ay qabsadeen gobolka Panjshir.

Wuxuu ku sheegay shirka jaraa’id ee Kabul in dooxada maanta gabi ahaanba la nadiifiyey.

Afhayeen u hadlay Taalibaan ayaa sheegay in kooxda mucaaradku ay sameeyeen iska caabin mar kasta oo Taalibaanka isku dayaan inay wada hadlaan.

Zabihullah Mujahid ayaa sheegay in Taalibaan ay ciidamadooda milatariga u direen geeska ugu dambeeyay si ay uga sifeeyaan Argagixisada.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

SOMALI NEWS

To Top