WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Goordhow Baaq Deg-deg ah soo saaray

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya deegaannada Deefow iyo Kabxanley ee gobolka Hiiraan.

Rooble ayaa ku boorriyay madaxda dowlad-goboleedka Hirshabeelle, nabad doonnada iyo waxgaradka gobolka in ay kaalin ka qaataan joojinta iyo xal u helista colaaddaas.

“Beelaha walaalaha ee dagaaalamaya waa iney joojiyaan colaada, wixii khilaafaad ah ee jirana ku dhameeyaan miiska wadahadalka si walaalnimo ah” ayuu yiri Rooble.

Dagaal u dhexeeya labo maleeshiyo beeleed ayaa saaka ka qarxay degaanada Kabxanley iyo Deefow ee duleedka magaalada Beladweyne kuwaasoo salka ku haya muran la xiriira degaanka iyo aano qabiil.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay dagaalkan, inkastoo aan laga heyn tirakoob sax ah, iyadoo maamulka gobolka Hiiraan ay sheegeen iney halkaas u dirayaan ciidamo kala dhex gala.

SOMALI NEWS

To Top