WARARKA SOOMAALI

Wafdi ka socda Dowladda oo diyaarad qaas ku tegay Degmo la go’doomiyey

Wafdi ka kooban Wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Taliye ku-xigeenka Ciiidanka Xoogga Dalka ayaa maanta gaaray degmada Berdaale ee Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Mas’uuliyiinta halkaasi gaaray ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka caddaalada, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, Wasiirka Haweenka iyo xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wafdigan ayaa u gaaray Berdaale siidii uu u soo qiimeyn lahaa Xaaladda Bani’aadanimo ee ka jirta degmadaas iyo qaabka ugu haboon ee kaalmo lagu gaarsiin karo dadka ku dhaqan deegaanada ku xeeran degmada Berdaale.

Dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka koofur galbeed oo is-kaashana ayaa indhowaalaba howlo gar-gaar ka waday qeybo ka mid ah gobollada Baay iyo Bakool, waxaana dhawaan socdaan Xudur ku gaaray Madaxweyne Lafta-gareen.

SOMALI NEWS

To Top