WARARKA SOOMAALI

Sawirro:-Galmudug oo soo Bandhigtay Meydadka rag weeraray Dhuusamareeb

Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan qeybta 21-aad Guutada 15-aad iyo Ciidanka Gor-Gor iyo xubno ka tirsan Al-shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa uu dagaal ku dhexmaray duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Saraakiisha Ciidanka oo warbaahinta kula hadlay duleedka Dhuusamareeb ayaa sheegay in ay dileen 3-xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab, kuwaasi oo la xusay inay ahaayeen rag weerar loo adeegsaday madaafiic xalay ku qaaday Magaaladaas.

Sidoo kale Saraakiisha Ciidanka ayaa tilmaamay in ragga dilay uu ku jiray Al-shabaab u qaabilsanaa deegaanada u dhexeeya Ceelbuur iyo Dhuusamareeb, waa sida hadalka loo dhigay, sidoo kalena soo bandhigay Meydiisa.

Guddoomiyaha Caasimadda Galmudug Macalin Cabdiraxmaan Geeda-qaroow ayaa sheegay in Nin kale oo kamid ahaa ragii weerarka soo qaaday la qabtay, isaga oo dhaawac ah, ayna qabsadeen hub oo ah nooca fudud.

Al-shabaab ayaa weerar lo adeegsaday madaafiic xoogan ku garaacday garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb, waxaana la sheegay in mid kamid ah madaafiicda ay ku dhaawacmeen saddex ruux oo ku sugnaa maqaaxi ku taalla gudaha Magaalada.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweyneyaasha maamulada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa ku sugan Caasimadda Galmudug, waxaana halkaas ka furmi doona Shir wadatashi ah.

SOMALI NEWS

To Top