WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Axmed Madoobe oo ka degay Dhuusamareeb + Sawirro

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa Goordhow gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

Wafdiga Madaxweyne Axmed Madoobe oo qeyb ka yihiin xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirda iyo Mas’uuliyiin kale ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor iyo Mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa Magaalada Dhuusamareeb uga qeyb galaya Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka Goboleedyada oo gelinka dambe ee Maanta ka furmaya halkaas.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa la filayaa in isna Maanta uu gaaro Caasimadda Galmudug oo ay ku sugan yihiin Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweyneyaasha maamulada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Shirka furmaya ayaa waxaa looga hadli doonaa xaaladda siyaasadeed dalka gaar ahaan khilaadka ka taagan qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa iyo sida lagu xalin karo is marin waaga jira

Ammaanka guud ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana sugida amniga iska kaashanaya Ciidanka maamulka Galmudug iyo kuwa dowladda Federaalka ee halkaas ku sugan.

SOMALI NEWS

To Top