WARARKA SOOMAALI

Waan-waan laga dhex bilaabay Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka

Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa bilaabay dadaalo kala duwan oo lagu xalinayo dagaaladii ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Labada Madaxweyne ayaa xalay kulamo la qaatay xubno ka tirsan Midowga Musharaxiinta, Saraakiil Ciidan iyo Mas’uuliyiin kamid ah dowladda Federaalka, iyagoo kala hadlay sidii loo xalin lahaa xiisada ka dhalatay muddo kordhinta la sameeyay.

Waan-waantan ka dhex bilaabay dowladda iyo Mucaaradka kasoo horjeeda ayaa waxaa qeyb ka ah Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Odayaal dhaqan, isla markaana doonaya in xal buuxa laga gaaro dagaalada khasaaraha geystay ee dhacay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlaayay dagaaladii dhacay ayaa ugu baaqay waxgaradka, culimada, bulshada rayidka, ganacsatada iyo haweenka inay qeyb qaatan nabagelyada iyo xasiloonida dalka.

Xaaladda Muqdisho ayaa saakay degan, iyadoo aysan jirin wax rasaas ah oo dhaceysa, isla markaana waxaa goobihii dagaaladu ka dhaceen isku hor fadhiyada Ciidanka dowladda iyo kuwa Milatariga ee kasoo horjeeda muddo kordhinta loo sameeyay dowladda iyo Madaxweyne Farmaajo.

SOMALI NEWS

To Top