WARARKA SOOMAALI

Video:-Farmaajo oo shaaciyey caqabadaha haysta dalalka Geeska.

Muqdisho (HM)-Madaxweyne  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo sheegay in Geeska Afrika ay haatan ka jirto rajo nabadeed ayaa xusay in ay jiraan caqabado dhanka siyaasadda iyo dhaqaalaha ah.

Hogaamiyaha dalka dhaca Geeska Afrika oo khudbad ka jeediyey shirweynaha sannadlaha ah ee Concordia halkaasi oo bilad lagu gudoonsiiyey ayaa tibaaxay in caqabadaha looga gudbi karo taageero loo helo.

Abaalmarinta la siiyey hogaamiyaha dalka leh xeebta ugu dheer qaaradda oo ah mid hogaaminta wanaagsan ayaa waxaa ku wehliya dhigiisa Eritrea iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Hoos ka akhriso khudbadda Farmaajo

Waxa sharaf ii ah inaan galabta idin la joogo shirweynaha sannadlaha ah ee Concordia. Waxaa sidoo kale sharaf ii ah inaan guddoomo Abaalmarinta Hoggaamineed ee Concordia, sannadkan 2019.

Waxaan si gaar ah Hoggaanka Concordia uga mahadcelinayaa inay aqoonsadeen dadaalka joogtada ah ee ay madaxda Geeska Afrika ugu jiraan sidii gobolka nabad loogu soo dabbaali lahaa.

Khilaafka iyo dagaalku waxay siyaabo kala duwan u siyaadiyeen saboolnimada ka jirta gobolka, sida inay dhaawac weyn u geysteen kaabayaasha dhaqaale; hay’adaha iyo waxsoosaarka; burburinta hantida; qoqobka iyo kala daadashada mujtamaca iyo shabakadaha bulsho; barakac qasab ah iyo shaqo la’aan iyo sicirbarar joogto ah. Waxa intaasi dheer, khayraadka oo yar oo ay weheliso koror dadweyne oo xawli ah, saboolnimada iyo horumar la’aanta ayaa sidoo kale ah qodobbo qayb ka qaata xasillooni la’aanta gobolka.

Nabaddu waxay lagama maarmaan u tahay in la helo koboc waara, waxaana sidoo kale ka tarjumaysaa heshiis ama wada noolaansho bulsho, deganaan iyo barwaaqo.

Waxa sharaf ii ah inaan idin la wadaago in Geeska Afrika ay hadda ka jirto saansaan rajo iyo nabdeed kaddib sannado badan oo nabadgelyo la’aan ah. Si kastaba, in nabadda la joogteeyo waxay u baahan tahay kalsooni dhis, isu-tanaasul, wadajir, faham iyo in ay taasi ka go’an tahay dhammaan dhinacyada qaybta ka ah khilaafka.

HALKAN KA DAAWO

Heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee u dhexeeyay saddexdeenna waddan waxa uu xoogga saarayay isdhexgalka dhaqaale, waxaana mahad iska leh Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Ereteriya Mudane Isaias Afwerki.
Intaas marka laga yimaaddo, waxa weli jira caqabado u baahan in lagaga gudbo taageero dhanka dhaqaalaha ah iyo mid siyaasadda ah.

Ugu dambayntii, waxaan jeclahay inaan Concordia ku bogaadiyo inay isu keentay dhammaan bulshooyinka caalamka, waxaana uga mahadcelinayaa abaalmarintan hoggaamineed ee ay igu sharfeen.

Fadlan halkaas ka sii wada hawsha qiimaha leh ee aad haysaan.


Farmaajo oo haatan ku sugan Mareykanka ayaa ka qeybgalaya meertada 74aad ee shirka loo dhan yahay ee Golaha Guud ee Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa, kaasoo maanta furmaya.

SOMALI NEWS

To Top