WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Wiil la dhashay Gabadhii isku qarxisay G.Banaadir oo Xabsiga la dhigay+warbixin xasaasi ah-Video

 Muqdisho (HM)-Laamaha ammaanka Soomaaliya ayaa haya wiil la dhashay haweenaydii isku qarxisay xarunta gobolka Banaadir, 24-kii July 2019, sidda uu baahiyey barnaamijka Galka Baarista ee VOA-da.

Qaraxaas oo ay Al-Shabaab dusha saaratay mas’uuliyadiisa ayaa lagu laayey mas’uuliyiin uu kamid yahay duqii Muqdisho ahaanna gudoomiyaha gobolka Banaadir, marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan [Eng Yariisow].

Injineer Yariisow ayaa 1-dii bishii August sanadkan 2019 wuxuu ugu dhintay waddanka Qadar dhaawac daran oo is-miidaamintaasi kasoo gaaray.

HALKAN KA DAAWO

Sidda ay sheegtay dowladda Soomaaliya, weerarkaas waxaa fulisay Basiira Cabdi Maxamed, oo ahayd xiriiriyihii arrimaha naafada ee gobolka Banaadir.

Baaritaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in magacaas uusan ahayn midka dhabta ah. Maryam Cabdiraxmaan Abiikar Muxamed waa kan saxda ah.

Maryan, oo waalikeeda ay ku nool yihiin Bmagaaladda uqaqable ee gobolka Hiiraan, ayaa kamid ahaa dadka u dhaqdhaqaaqa xubnaha araga la’.

Cabdullaahi Cabdiraxmaan Muxumed, oo la dhashay Maryan, ayaa waxa uu haatan u xiran yahay xukuumadda Muqdisho muddo 50-casho ah.

Sidda laga soo xigtay Galka Baarista ee ka baxa laanta Af Soomaaliga ee VOA-da, Cabdullaahi ayaa kamid ah tirro dad ah oo loosoo qabtay weerarkaas, kuwaasi oo wajahaya su’aallo waydiino.

Saraakiisha amniga ayaa ku adkeysanaya in baaritaanka uu wali socdo, iyaga oo daboolka ka qaadey in ay natiijadda kama dambeysta ah soo bandhigi doonan.

Hay’adda nabad-gelyadda ayaa baadigoobaya Hodan Xasan, oo Maryan caawineysay. Magaceeda afgadarashada waa Degan Cabdullaahi Cali.

Qoysaska ay kasoo jeeda Maryan oo aan beenin sheegashada dowladda oo ku aadan in ay Basiira is-qarxisay ayaa meesha ka saarey in ay xubin ka ahayd maleyshiyaadka gacansaarka la leh Al-Qaacidda.

Hooyadeed, Faaduumo Cali Abuukar oo ku magac dheer Shiino, ayaa waxay AlShabaab ka caawisa tashkiilinta iyo hilitaanka taageeradda dhanka dumarka.

Xasan Muxumed Abiikar, adeerkeed, waana sidoo kale saraakiisha sar-sarre ee dhanka canshuurta u qaabilsan AlShabaab.

Galka Baarista ayaa sidoo kale wuxuu ku waramayaa in hooyadeed ay mar u diidey mas’uul soo doontay Maryan iyadda oo ku tiri: “Nin aysan kasoo ureen rasaasta Mujaahidiinta laguma darayo gabdheeda”.

SOMALI NEWS

To Top