WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Shacabka Muqdisho oo ka aragti dhiibtay go,aankii Sheekh Shariif Kismaayo lagaga joojiyey!!.

Muqdisho (HM ) Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa Aragti kala duwan ka dhiibtay Go’aanka ay Dawladda Soomaaliya ku Hakisay Duulimaadkii Kismaayo, Iyadoo Arintaasi ay Saamaysay Madax Xilal Hore kala duwan kasoo Qaybtay dalka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Inta Shacabka ayaa sheegay inay Dawladdu ku Saxantahay go’aanka ay qaadatay, islamarkaana Kismaayo ay kamid tahay Soomaaliya, Balse Maamulka Axmed madoobe uu doonayo inuu Kenya u gacan geliyo, Waxayna sheegeen inaan wax Doorasho Sax ah oo ka dhacay.

Qaar kamid ayaa sheegay inay Arintaasi dhibaato ku tahay Shacabka ku dhaqan deegaanada Jubbaland, Balse aysan gaar u saamayn karin Axmed madoobe oo keli ah.

SOMALI NEWS

To Top