WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Xidig & Seeraar oo aan waxba u reebin Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif-Video

Kismaayo ( HM) Cabdinaasir Seeraar Maax iyo Cabdirashiid Xidig oo kamid  ah Madaxdii Kismaayo lagu doortay ayaa waxay ka hadleen xaaladaha maamulkaasi iyo dhacdadii Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo maalin ka hor looga hor istaagay magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubbada Hoose.

HALKAN KA DAAWO

Shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Kismaayo C/rashiid Xiddig iyo C/naasir Seeraar ayay si weyn ugu weerarreen labada madaxweyne ee hore, isagoo sheegay inuu warkooda kasoo horeeyay oo ay hore u taageereen doorashadii sharci darrada ahayd ee Axmed Madoobe, oo aysan jirin wax ay sheegaan oo aan ahayn inay tii hore ku celiyaan oo ay been xalaaleeyaan.

Waxaa ay sheegeen  xubnahan in xaalada cakiran ee maamulka Jubbaland aysan baasin lagu shubin, iyagoona ka dalbaday madaxdii hore ee dalka soo martay in aysan la safan qaar ka mid ah dadka kismaayo isku heysta.

Cabdinaasir seerar iyo Xidig ayaa si wadajir ah u sheegay in kismaayo aysan noqon mid laga mucaarado dowladda dhexe ee Soomaaliya.

“Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekhow Farmaajo doorasho ayuu idinkaga adkaaday, mana idinka baryaayo inuu xukumo 4 sano oo xilka hayo.. awooda aad sheeganeysaan waxay huwan tahay qabiil.., taasina Soomaliya kama shaqeyneyso, shacabkana ma marin habaabin kartaan..” ayuu yidhi C/rashiid Xiddig oo si cad u sheegay inay dhibaatada Jubbaland taalla ay tahay faragelinta bannaanka uga imaaneysa.

C/rashiid Xiddig ayaa ku eedeeyay Sheekh Shariif inuu rabo inuu xalaaleeyo xadgudub iyo afduub, xitaa haddii caleemo saarka Axmed Madoobe ka qeyb galana aanu waxba soo kordhin doonin.., ‘Waxaa kuu sharaf rooneyd in lagaa celiyo…”

“Madaxweynayaal ayay rabaan inay u tartamaan, waxayna taageerayaan doorasho sharci darro ah…, sharaftiinii dhulka ayey ku dhacday… Haddii doorashada uu afduubtay Axmed Madoobe aad taageertaan, Farmaajana doorasho taas la mida ayuu qabsan doonaa..” ayuu yiri C/rashiid Xiddig.

SOMALI NEWS

To Top