WARARKA SOOMAALI

Akhriso:-Wararkii ugu dambeeyay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo shirarka ka socda Muqdisho-warbixin

Muqdisho (HM)-Iyadoo saacadihii la soo dhaafay uu dalka galay xaalado siyaasadeed oo ka dhashay go’aanka dowladda Federaalka ka soo saartay xayiraada diyaaradaha aadaya Kismaayo iyo xanibaadii lagu sameeyay diyaaraddii Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa waxay abuureen jawi siyaasadeed oo aan la qiyaasi karin halka uu ku dambeyn karo, marka loo eego fal celinada kala duwan ee ka soo baxaya dhinacyada kala duwan ee xaaladahaas qeybta ka ahaa.

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay shir jaraa’id qabtay ayaa waxay si adag uga hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka, iyagoo ku eedeeyay dowladda Federaalka inay ku xadgudubtay dastuurka iyo sharciga, isla markaana ay qaaday tallaabooyin aan habooneyn oo keeni kara dib u dhac.

Inkastoo illaa iyo hada dowladda Federaalka aanay si rasmi ah uga hadlin xaaladaha siyaasadeed iyo walaaca ka soo yeeray Madaxweynayaashii hore, hadana waxaa socda kulamo gaar gaar ahaa oo la xiriira arrintan iyo qaabka looga falcelin.

Ilo kala duwan ayaa sheegaya in saacadaha soo socda ay kulamo yeelan doonaan Kusimaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, iyagoo uga hadli doona xaaladaha soo kordhay.

Warar kale ayaa sheegaya inuu jiray wadatashiyo ay lahaayeen Guddoonka Labada Aqal oo la xiriira in xaalada taagan, isla markaana dadaalo xal raadin ah la bilaabo, si xiisadda siyaasadeed loo qaboojiyo.

Wakiilada Beesha Caalamka ee fadhigooda yahay Xalane ayaa iyana si dhow ula socda xaalada siyaasadeed ee soo korortay, waxaana jirin illaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay, waxaana jirta hadal heyn ah in laga yaabo in shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya lagu wado in 2-da bisha October uu dib u dhaco, sababo la xiriira xiisadaha siyaasadeed ee hada taagan.

Dhinaca kale waxaa iyana jira wada hadalo kala duwan oo ay leeyihiin Axsaabta Siyaasadda, waxaana hoyga uu degan yahay Madaxweynihii hore Sheekh Shariif ka socday kulamo aan kala go’ laheyn, waxaana la sheegayaa in maanta wada hadalo dhanka qadka taleefanka ay yeelanayaan Madaxweynayaashii hore, Madaxda Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

Sidoo kale go’aanka Xukuumadda soo saartay ee ku saabsan xayiraada saddexda cisho ee la saaray diyaaradaha aadaya Kismaayo ayaa dhaqan galay, ma jirto illaa hada diyaarad rayid ah oo Muqdisho ka dhooftay oo Kismaayo ka degtay, taasoo looga gol leeyahay in lagu baajiyo xaflada caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland ee lagu wado inay dhacdo 26-ka bishan.

Maamulka Jubbaland ayaa weli si rasmi ah u shaacin in xaflada dib u dhacday iyo in kale, waxaana ilo kala duwan oo aan la hadalnay ay inoo sheegeen in weli go’aanka sidiisa yahay oo aan waxba iska bedelin, lana filayo in wafuud horudhac u ah martida ka qeyb galeysa xaflada caleema saarka ay berri soo gaari doonaan Kismaayo, iyagoo dhanka magaalada Nairobi ka imaan doona.

Hadal heyn kala duwan ayaa soo baxayay oo ahaa in sababaha ugu weyn ee loo xayiray duulimaadyadii Kismaayo ay tahay in la baajiyo Xaflada caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland oo ku beegan 26 bishan oo ah xilliga la filayo in Madaxweyne Farmaajo khudbada ka jeediyo Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey, isla markaana aanay isku soo aadin xafladaas iyo wafuuda ka qeyb galeysa iyo khudbada Madaxweyne Farmaajo.

Xigasho: Johar.com

 

SOMALI NEWS

To Top