WARARKA SOOMAALI

Daawo:Jaaliyada Imaaraadka Carabka ee SSC oo Shir u Qabatay Madaxdhaqameedka Khaatumo iyo Qodobo ka soo Baxay-Video

Jaaliyada Deegaanada Sool Sanaag iyo Cayn ayaa Shir Balaadhan Wadankaasi Imaaraadka ugu Qabatay Isimada Deegaanada Sool Sanaag iyo Cayn oo kala ahaa Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Jamac Garaad Cali iyo Garaad Jamac Garaad Ismail Ducale Shirkani oo ahaa Mid Qaatay Saacado Ayaa Waxaa Looga Hadlay Xaalada Wadanka Gaar ahaan Deegaanadaasi.

HALKANI KA DAAWO VEDIO

Isimada Ayaana Intaasi Kadib Waxay Isla Afgareen in Laga Heshiiyey Guud ahaan Waxii Ku Kala Dhex jiray oo Hada Kadib Guud ahaan Danta Dadka Meel Looga soo Wada Jeesanayo Waxana Halkaasi Sidoo Kale Sagooti Balaadhan Loogu Sameeyey Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo Wadanka dib ugu soo Laabanaya.

 

Jaaliyada Imaaraadka ee Deegaanada SSC iyo Golaha Sare ee Dhaqanka ayaana Isku Afgartay in Midnimada Deegaanka Laga Wada Shaqeeyo Jaaliyaduna ka Qayb Gasho Qaabkii Shirwayne Balaadhan uga Dhici Lahaa Wadanka Gudihiisa oo La Isagu Keeni lahaa Dhamaan Beelaha Deegaanadaasi Loona Midoobi Lahaa.

 

Waxaana Ugu Dantii Shirkani Baaq Loogu Diray Bulshada Deegaanadaasi inay ka Qayb Galeen Xaalada Abaaraha iyo Cudurada Ka Dilaacay Deegaanka SSC Qaarkood Gaar ahaan Deegaanka Buuhoodle” Shirkani Ayaana Ku soo Dhamaaday Guul iyo Is Afrada Labada Dhinaca ah Jaaliyada Iyo Golaha Sare ee Dhaqanka

 

Ali dhagjar

Buuhoodle

SOMALI NEWS

To Top