WARARKA SOOMAALI

Daawo Wareysi:Xaaladda Buuhoodle ee maanta iyo Wararkii ugu Danbeeyay Xanuunka Shuban Biyoodka-Video

Wararka ka imaanaya magaalada Buuhoodle ee Xarunta Gobalka cayn ayaa sheegaya in xaaladu tahay maanta mid degan isla markaana ay kasoo raynayso xaaladda Bukaanadii uu soo ritay Xanuunka khatarta badan ee Shuban biyoodka oo mudooyinkanba faro ba,an ku hayay magaalada Buuhoodle.

Cabdixakiim Xaaji Axmed{Burukude} oo kamid ah dhalinyaradda ugu firfircoon magaalada Buuhoodle Sidoo kalena ah Wakiilka shirkada Biyaha Sifeysa ee Al-nacim oo goor dhawayd u waramayey Warbaahinta Horufadhimedia ayaa noo sheegay war aad loogu farxo.

Ilaa maanta waxaa Cusbitaalka Daryeel ee Buhoodle lasoo jiifiyay Tirada ilaa 7-ruux oo uu xanuunka shuban biyoodku soo ritay waxaa sidoo kale ka baxay ilaa xalay ilaa maanta ku dhawaad 100 ruux oo daawo iyo Gurmad caafimaad helay isla markaana ka Bogsaday xanuunka sidoo kale waxaa ilaa xalay magaalada Buuhoodle iyo nawaaxigeeda xanuunka ugu geeriyooday ku dhawaad hal ruux inta la xaqiijiyay.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Gurmadka kala duwan ee ka imaanaya guud ahaan Gayiga ay Soomaalidu degto ayaa si xowli ah isaga soo daba dhacaya walow dhakhaatiirta iyo Dadka howshan ku jiraa ay mar kasta dalbanayaan Gurmad iyo gacmo dheeraad ah si looga baaqsado soo laab laabashada xaaladan adag ee Buhoodle.

Sidoo kale wuxuu Gurmad xoogan iyo Lacago fara badan ka imaanayaan Guud ahaan Jaaliyadaha Deegaanada SSC ee ku dhaqan Daafaha adduunyada kuwaas oo ka damqaday xaaladda adag ee ka taagan Buhoodle iyo deegaanada ku xeeran ee macluusha iyo abaarta Ba,an haleeshay.

Horufadhinedia waa wehelka Bulshada dhibaataysan.

SOMALI NEWS

To Top