WARARKA SOOMAALI

Deg Deg:-Uhuru Kenyatta oo ugu dambeyn caydhiyey Aadan Barre Ducaale, Wararkii ugu dambeyay.

Muqdisho (HM) – Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo ahaa hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kenya ayaa goor dhow xilka laga qaaday, kadib markii ay kalsoonida kala noqdeen inta badan xildhibaanada baarlamaanka dalkaasi.

Xilka qaadistan ayaa aheyd mid la filayey, kadib markii dhowaan in ka badan 130 Mudane mooshin ka dhan ah isaga u gudbiyeen madaxweynaha wadanka Kenya, Uhuru Kenyatta oo sidoo kale ah hogaamiyaha xisbiga Jubilee.

Aadan Barre Ducaale ayaa muddooyinkii la soo dhaafay wajahayey hubanti la’aan iyo culeys uga imaanayey xaga baarlamaanka dalka Kenya.

Sidoo kale wuxuu xilka hoggaamiyaha aqlabyidda baarlamaanka hayey tan iyo doorashooyinkii 2013-kii.

Xildhibaan Aadan Barre oo Soomaali Keyaan ah, lagan soo doorto gobolka waqooyi bari ayaa ka mid ah xildhibaanada fir-fircoon ee ku jira xisbigada talada haya ee Jubilee.

Aadan Barre Ducaale ayaa lagu xasuustaa doorkii uu ku lahaa khilaafkii xoogeystay ee ka dhex qaraxay Dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya kadib markii uu sanadkii hore ka qayb galay xafladda caleema saarka Axmed Madoobe taasoo aysan aqoonsaneen wakhtigaa Dowladda Soomaaliya.

Ducaale ayaa wakhtiga uu Xafladdaas tagay wuxuu si weyn u weeraray Dalka Soomaaliya gaar ahaan Madaxda sare oo uu aflagaadeeyay, intaas wixii ka dambeeyay Ducaale gudaha Kenya wuxuu ahaa mid kala kulmayey cadaadis xooggan iyadoo uu garabkiisa ka baxay Uhuru Kenyatta oo ah Madaxweynaha Dalka Kenya oo ay hore iskugu dhawaan jireen.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top