WARARKA SOOMAALI

Akhriso:-Maxay ka wada hadleen Madaxda maamul gobaleedyada iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya?

Muqdisho (HM)-Madaxda dowladda Federaalka, dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa yeeshay wada hadalkii u horreeyay oo ku qabsoomay dhanka Isgaadhsiinta aallada Whatsapp iyo Zoomka, tan iyo markii uu hakad galay shirarkii u dhaxeeyay.


Shirkan ayaa ka dambeeyay markii todobaad ka hor uu iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo in Madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ay isugu yimaadaan shirka Golaha Amniga Qaranka, inkastoo aanu xilligaas sheegin xilliga iyo goobta uu ka dhacayo.

Wadatashiyo ay qeyb ka aheyd Beesha Caalamka ayaa suura gal ka dhigay in Madaxda marka ugu horeysay shir horudhac ah ku yeeshaan qadka isgaadhsiinta, kaddibna loo gudbo mid fool ka fool ah.

Shirka dhanka Muuqaalka Zoomka ayaa markii hore waxaa diiday Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, hase ahaatee markii dambe waxay dalbadeen inay uga qeyb qaataan dhanka aallada Whatsap-ka.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha dowladda Federaalka, Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koofur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in markii hore uu shirka ku furmay jawi wanaagsan, waxaana uu qaatay ku dhowaad labo saacadood.

Wararka ayaa sheegaya in la isku raacay labo qodob oo kala ah in Madaxweyne Farmaajo uu iclaamiyo shirka soo socda, waqtiga uu dhici doono iyo goobta, iyadoo Madaxweynuhu uu dib ka soo sheegi doono wadatashi kaddib.

Sidoo kale waxaa aad looga dooday afarta xeer ee dhameystirka doorashooyinka Qaran ee horyaala Baarlamaanka, waxaana Maamul goboleedyada dalbadeen in la hakiyo ansixinta iyo ka doodista xeerarkaas, inta Maamul goboleedyada iyo Madaxda dowladda federaalka iska arkayaan.

Qodobkaas ayaa la isku raacay oo markii dambe in la hakiyo, iyadoo Madaxweynuhu arrintaas ka shaqeynayo.

Xigasho: Jowhar.com

SOMALI NEWS

To Top