WARARKA SOOMAALI

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay aflagaadadii Donald Trump u gaystay Soomaaliya.

Muqdisho (HM)-Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa u sheegtay BBC-da in aysan wax faallo ah ka bixin karin jawaabta ay ka bixinayaan dhaleeceynta madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo Soomaaliya ku tilmaamay dal aysan ka jirin dowlad iyo amni.

Inkastoo xidhiidhka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Maraykanka uu yahay mid diiran, isla markaasna uu sii kordhayo iskaashiga labada dal, haddane waxaa markii ugu horeysay soo baxaya fikradaha xun ee Madaxweynaha Maraykanku ka qabo Soomaaliya.

Sida ay aaminsan yihiin khubaro iyo diblomaasiyiin ku xeel dheer arrimaha Soomaaliya, Dowlada Soomaaliya ayaa taageero dhaqaale iyo mid milateri ka hesha Maraykanka, mana dooneyso iney haatan dhexda ka gasho dagaalka u dhexeeya Trump iyo Ilhan Cumar ee sababay in madaxweynaha Maraykanka uu mar walba tusaale xun u soo qaato Soomaaliya isagoo ku xumeynaya Ilhan Cumar.

HALKAN KA DAAWO HADALKIISA

Trump oo la hadlayey taageerayaal aan badneyn oo isku soo baxay ayaa ereyada uu ku sifeeyey Somaaliya ula jeeday Ilhan Cumar oo ah haweeney ka soo jeeda Soomaaliya oo ka tirsan aqalka Congreska Maraykanka.

Wuxuu ka digay in Ilhaan Cumar ay suuragal tahay in ay qeyb ka noqoto maamulka Mareykanka haddii musharraxa madaxtinnimada ee xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden uu ku guuleystay doorashada dhici doonto bisha Nofeembar.

“Waxay jeclaan lahayd in ay dalkeenna ka dhigta sida dalkii ay ka timid oo kale – Soomaaliya. Dowlad la’aan, amni la’aan, boolis la’aan. Waxaa ka jirta fowdo uun. Hadda waxay rabtaa in ay noo sheegto sidii aan dalkeenna u maamuli lahayn. Maya, waad mahadsan tahay”, ayuu yidhi Trump.

Madaxweyne Trump oo looga bartay hadalo mar walba abuura muran  ayaa sannadkii 2018-kii, dalalka Afrika iyo waddamo kale ku tilmaamay kuwa Kudaafad ah (Qashin-qub), hadalkaasoo caro badan dhaliyey.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top