WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Farmaajo oo kulan xasaasi ah la qaatay Xildhibanada kasoo jeeda Soomaliland-Akhriso

Muqdisho ( HM ) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saaka oo isniin ah kulan-quraac ah isugu yeedhay Wasiirada, Senatarada iyo Xildhibaannada ka soo jeeda deegaanada Somaliland ee ku matala dowladda Federaalka Soomaaliya.

Farriimo xalay loo diray Wasiirada iyo Xildhibaannada ayaa lagu wargeliyay inay ka soo qeyb galaan casuumaada uu sameeyay Madaxweynaha, isla amrkaana uu yahay mid kala war-qaadasho ah.

Kulankan ayaa waxaa la filayaa in Madaxweynaha uu warbixin ka siiyo shirkii Wada-hadalada Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ee todobaadkii hore uga qeyb galay Jabuuti iyo arrimo ku saabsan doorashooyinka Kuraasta Gobolada Waqooyi lagu dooran doono Muqdisho iyo qodobo kale.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa dooneysa inay saameyn ku yeelato Xildhibaannada ka imaanaya Gobolada Waqooyi ee loo yaqaano Somaliland, kuwaas oo waqtiga doorashooyinka lagu tashado codadkooda.

Kulanka Mas’uuliyiinta ka soo jeeda deegaanada Somaliland ayaa waxaa hoggaamin doona Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mahdi Guuleed oo ka mid ah xubnaha aadka ugu dhow Madaxweyne Farmaajo.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa horyaala hannaanka gaarka ah ee kuraasta Gobolada Waqooyi oo lagu dooran doono magaalada Muqdisho oo qaar ka mid ah Xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland ay sheegeen in lala tashaday oo kaliya kuwa ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya.

Horufadhi News

Sawir hore Madaxweyne Farmaajo.
@Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top