WARARKA SOOMAALI

Soomaliland Kufsi wadareed Gabadh yar loogu gaystay xarunta agoomaha Hargeysa & xaalad ka taagan-Video

Laascaanood (HM) – Waxa dhawaan soo shaac baxday dhacdo fool-xun oo in badan la qaraniyay, midaasi oo aheyd Kufsi wadareed Gabadh yar loogu geystay Magaalada Hargeysa, gaar ahaa xarunta Agoomaha ee Magaaladaaasi ee ay gacanta ku hayso Xukuumadda Muuse Biixi.

Gabadha kufsiga loogu geystay xaruntaasi agoomaha ayaa lagu soo waramayaa inay leedahay Uur, xili ay falkaasi foosha xun kasoo wareegtay mudo 8-bilooad ah, sida uu sheegay Aabaha dhalay gabadhaasi oo warbaahinta la hadlay.

Xariir Raage, Aabaha dhalay gabadhaasi yar ayaa ka waramay sida uu falkaasi u dhacay, isagoona sheegay tirada ragga faro-xumeeyay gabadhiisa, xiliga ay ku jirtay xarunta agoomaha ee hargeysa.

Xariir ayaa si cad u sheegay in inantiisu ay ka qarisay falkaasi iyo inay uur leedahay, midkaasi oo u muuqda cadaadis uga yimid maamulka xarunta iyo ragga loo haysto falkaasi, walow uusan carabaabin.

Xariir Raage, oo ah Aabaha dhalay gabadha lagu fara-xumeeyay gudaha xarunta agoomaha ee Hargeysa, ayaa baaq culus u diray xukuumada Somaliland iyo cidkasta oo kala qeyb qaadan karta sidii sharciga loo marin lahaa dadkii falkaasi u geystay gabadhiisa.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

SOMALI NEWS

To Top