WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Farmaajo oo saaka saxiixay sharci muhii ah-Akhriso

Muqdisho (HM) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa saaka saxiixay sharciga duuliska rayidka hawada Soomaaliya, kaas oo xilligaan muhiim ah Soomaaliya oo horey ula soo wareegtay maamullida hawadeeda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa saxiixa kadib u mahadceliyey xildhibaanada labada aqal iyo khuburadii qeybta ka soo qaatay sharcigaasi.

Sidoo kale madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa intaasi kadib magacaabay maareeyaha guud ee hay’adda duulista rayidka, kaas oo loo magacaabay Mudane Axmed Macalin Xasan oo xilkaasi horey ugu hayey si kumeel gaar ah.

Halkan hoose ka aqriso warsaxaafadeedka:

Madaxweynaha Jamuuriyadda Fedferaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay Sharciga Duulista Rayidka oo ay hore usoo ansixiyeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Xukuumadda, Xildhibaannada iyo dhammaan khubaradii Soomaaliyeed ee qaybta ka qaatay uga mahadceliyey dadaalka ay galiyeen sharcigan dhaxal reebka ah.

Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa u magacaabay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Mudane Axmed Macalin Xasan, wuxuuna Eebe uga baryay inuu la garab galo masuuliyadda culus ee loo igmaday.

Dhamaad.

SOMALI NEWS

To Top