WARARKA SOOMAALI

Puntland Deni oo tababar usoo xidhay Ciidamada Beder & Uxud, una hanjabay Soomaliland-Video

Garoowe ( HM)-Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta xerada ciidanka Xorgoble ee Degmada Qardho tababar ugu soo xidhay dufcaddii 2-aad ee dhammaysata tababarkooda, kuwaasi oo ka tirsan ciidanka Daraawiishta ee maamulka Puntland, Waxayna ciidanku  soo bandhigeen xirfado xeeldheer oo ay barteen mudadii tababarka qaadanayeen.

Madaxweyne Deni oo la dardaarmay ciidanka maanta tababarku usoo xidhmay ayaa sheegay in Dastuurka Puntland iyo kan Soomaaliyaba uu farayo Dowladda ilaalinta sharafta shacabka. Waxa uu xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya isku koobtay Dhaqaalaha Beesha caalamku ku bixiyo dib u dhiska Ciidamada Soomaaliya iyo sugidda Amniga.

“Waxaa nasiibdaro ah iyadoo aduunka uu uga baxo boqolaal million oo dollar sidii Soomaaliya uga caawin lahaayeen Amniga, iyo dhismaha ciidanka in wixii ay ka mudnaayeen Puntland inaysan ka helin DFS, taas waxaan rajaynayaa in caalamku garto. Masuuliyiinta Dowladda Federaal ka ah hanti ay hayaan loogu dudimaayo, balse waa inaysan caqabad ku noqon waxa beesha caalamka laga helayo, waxaan rajaynayaa in caqligu uu taliyo, hadana cadawgu meel walba waa joogaa, dhismaha ciidankana meelwalba waa looga baahan yahay, waxaase Alle mahaddiis ah Puntland oo 21 sano jirtey oo masuuliyiintii kala dambeysey ee soomaray ay garteen ahmiyadda ciidamadu leeyihiin”. Ayuu yidhi Deni.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku amray ciidamada Puntland inay u diyaar garoobaan difaaca dhulkooda iyo xuduudahoodaba, gaar ahaan kuwan uu galabta uso xidhay tababarka oo loogu magac daray  BEDER & UXUD,isaga oo Deni Sidoo kale fariin adag u diray Maamulka Somaliland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Deni ayaa Maaamulka Soomaaliland u diray baaq ay ku ladhan tahay hanjabaad“Waxaan idinkula dardaarmayaa cadaw kasta oo Puntland leedahay ha ahaadeen argagixiso ama kuwa kusoo duulay dhulka Puntland inaad u diyaargarawdaan. Puntland waxaa ka go’an inay cadawgeeda Iska dhicinayso, diyaar u tahay inay nidaamkeeda dastuurka ah ku dhaqanto, soo celiso dhulka ka maqan, cidhibtirto argagixisada, diyaarna u tahay cidkasta oo nabad iyo wadahadal laga helikaro ay la gasho heshiis, haddii ay ka weydona ay awood kusoo ceshanayso, waxaan ugu baaqaynaa Soomaaliland si sharafleh inay dhulka Puntland uga baxdo, dhiig walaal madoonayno, horumarbaan rabnaa, deris wanaag baan rabnaa” Ayuu nuxurka hadalkiisa kusoo ururuiyey Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Horufadhi News

Sawirada Ciidanka Deni Tababarka usoo xidhay.

SOMALI NEWS

To Top