WARARKA SOOMAALI

Muqdisho Ciidamo gadoodsan oo xidhay Wadada Madaxtooyada-Video

Muqdisho (HM)-Ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya oo ka cadheysan Mushaar la’aan mudo heesata ayaa maanta xidhay wadada soo gasha Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan wadada ka timaada dhinaca Taalada Daljirka dahsoon ee Magaalada Xamar.

Ciidamadan ayaa gaadiidka dagaalka ay wateen ku jaray laamiga, waxa ayna joojiyeen in wax gaadiid ah wadadaasi maraan, ciidamadan ayaana sheegay in ay ka cabanayaan mushaar la’aan mudo dheer haysata.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Qaar kamid ah ciidamada wadada xidhay ee ka cadhaysnaa mushaar la’aanta ayaa sheegay in ay kasoo baxeen aaga dagaalka ee Shabeelooyinka, waxa ayna tilmaameen in aysan helin xaquuqdii ay dowlada ku lahaayeen.

Ciidamadan ayaana ugu baaqay Madaxda dowlada federaalka gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha in xaquuqda ka maqan la siiyo ama laga fasaxo shaqada ciidanka si ay u noqdaan shacab.

Madaxda Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa marar badan sheegay in ciidamada diiwaangashan ee dowlada si joogta ah u qaataan mushaarkooda, lamana oga in ciidankan maanta wadooyinka xirtay ay yihiin kuwa diiwaangashan iyo in kale.

Sawirada Ciidamada Jidka xidhay.

SOMALI NEWS

To Top