WARARKA SOOMAALI

TOOS U DAAWO-Shirkii LONDON ee Soomaaliya oo Toos u soconaya-VIDEO….

Waxaa goor dhow bilowday shirka caalamiga ee looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya oo ka furmay Aqalka Lancaster House ee magaalada London.

Shirka ayaa waxaa si wada jir u shir guddoominaya Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha Britain Theresa May, iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey.

HALKAN TOOS UGA DAAWO……

Madax iyo wakiilo kala duwan oo ka kala socota illaa 50 dal ayaa ka qeyb galaya shirka, oo lagu wado in goor dhow khudbado ka jeediyaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa hada khudbad ka jeedinaya shirka, isagoo ugu horeyn u mahad celiyay dowladda UK, marti gelinta shirka London.

Farmaajo ayaa ka hadlaya arrimaha soomaaliya, gaar ahana siyaasada, ammaanka, arrimaha bani’aadanimada, arrinta hubka cunaqabateynta ee saaran Soomaaliya iyo sida loogu baahan yahay in laga qaado, si ay Soomaaliya hub u soo iibsato.

SOMALI NEWS

To Top