WARARKA SOOMAALI

War deg deg ah: Degmada Horufadhi oo xanuunkii Shuban biyoodku ka dilaacay & Sadex caruur ah oo u geeriyoodey.

Degrade Horufadhi ee G/Cayn aya waxa si weyn uga dilaacay xanuunka halista badan ee Shuban biyoodka, kaasoo durbaba soo daadiyey dad aad u fara badan, waxana u dhintay sadex caruur ah sida uu sheegay mid ka mid ah waxgaradka degmada Horufadhi oo xidhiidh ay la sameysay shabakada Horufadhi media, Khada Maxamuud Xaashi Dheere, ayaa sheegay in xanuunkani ku soo beegmay ayadoo horen deegaanku ula ciir ciirayey dad badan oo ku soo xarooday gaararka magaalada ka dib markii xoolihii ka dhamaadeen kuwaasoo darafyada magaalada ka sameystay cooshado ay hoy ka dhigtaan.

Magaalada Horufadhi ayaan lahayn cusbitaal marka laga reebo xarun yar oo kooban oo ah tan Hooyada iyo dhalaanka loogu tala galay, taasoo aan Dawo, qalab iyo waxkale toona Oolin.

Horufadhi ayaa 45 kg dhanka waqooyi ka xigtada Buuhoodle, waxaana ay tahay magaalada labaad ee Caynabo u xigta dhanka Waqooyi galbeed.

Waxa uu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed, hay’adaha caalamiga ah iyo cidkastoo kaleba inay Dawo, Qalab IYO Agabkasta oo ay wadaan soo gaadhsiiyaan Horufadhi.

[email protected]

SOMALI NEWS

To Top