WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Taliye Xijaar oo War CUSUB ka shaaciyay amniga Doorashada

Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa Maanta ka hadlay qorshaha diyaar garoowga sugida amniga doorashooyinka ka dhacaya dalka Soomaaliya.

Taliye Xijaar oo la hadlay Telefashinka Dowladda ayaa waxaa uu sheegay in mar horey u diyaar garoobeen sugida amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka, isla markaana Ciidanka Booliska ay awood u leeyihiin ay sugaan amniga.

Taliska Booliska ayuu sheegay ay tageen Magaalooyin kamid ah maamul Goboleedyada oo lagu qabanayo doorashada Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, ayna dowladda heysato Ciidan ku filan oo amniga suga.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Jeneraal Xijaar ayaa Carabka ku dhuftay in sugida amniga doorashada ay la kaashan doonaan Ciidamo Boolis ah oo kamid ah kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaasi oo uu xusay in la diyaariyay.

SOMALI NEWS

To Top