WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Madaxweyne Biixi “Indhaha Caaalamka oo dhan ayaa ina haaya Maanta”

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo subaxnimadii hore ee saaka codkiisa ka dhiibtay xarunta hay’adda shaqaalaha dawladda oo uu hore uga qaatay kaarka Codbixinta, iyadoo guud ahaan maanta looga dareeray doorashada wakiilada iyo deegaanka oo isku sidkan.

Madaxweynuha ayaa waxaa markii uu gaaray Xarunta Codbixinta waxaa uu maray nidamkii u marayeen codbixinta, isagoo hawl-wadeenadii ku sugnaa goobta u dhiibay kaarkiisa codbixinta, ka dibna buuxiyey shuruudihii looga baahnaa qof kasta oo codbixiye ah.

Madaxweynuhu u shacabka faray inay sidii quruxda badnayd ee ay u ololeeyeen inay codkana u dhiibtaan, isaga oo sheegay in caalamku Somaliland indhaha ku hayo.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

In ka badan hal malyan oo qof ayaa dhiibanaya codadkooda, iyadoona goobaha codbixinta ay gaarayaan 2,709 oo kala yaalla Maroodi-Jeex, Toghdeer, Sanaag, Soo, Awdal iyo Saaxil, waxaana siweyn loo adkeeyay amniga goobaha Codbixinta.

SOMALI NEWS

To Top