WARARKA SOOMAALI

Duqa Muqdisho oo Guddoomiye cusub magacaabay (Wareegto)

Guddoomiye cusub ayaa loo magacaabay deegaanka Garasbaaley ee duleedka Magaalada Muqdisho, kadib Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Finish.

Maxamed Abuukar Afrax ayaa loo magacaabay inuu noqdo Guddoomiyaha cusub ee deegaanka Garasbaaley, waxaana xilkaas u dhiigay Guddoomiye Cumar Cumar oo ah Guddoomiyaha Gobolka.

C/raxmaan Axmed Cali (Garyare) oo ahaa Guddoomiyihii Garasbaaley ayaa waxaa dhawaan lagu dilay qarax ka dhacay halkaas, waxaana sidoo kalena la dhintay xiligaas qaar kamid ah Ilaaladiisa oo la socday, xili ay kasoo baxeen Masaajid.

Maxamed Abuukar Afrax ayaa waxaa uu bedelayaa Guddoomiyihii deegaankaC/raxmaan Axmed, waxaana magacaabista soo dhaweeyay Maamulka deegaankaas ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Halkaan hoose ka Akhriso Qoraalka magacaabista.

SOMALI NEWS

To Top