WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Jubbaland oo Maanta dib ugu laabtay Kismaayo, kadib safarkii…

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Maxdoobe ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo, kadib safar shaqo oo uu ku joogay maalmahii lasoo dhaafay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Madaxweynaha ayaa Muqdisho kaga qeybgalay shirkii madasha wadatashiga qaran ee Doorashooyinka dalka taas oo heshiis lagaga gaaray hanaanka Doorashada soo socota.

Sidoo kale Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa inta uu ku sugnaa Magaalada waxaa uu kulamo kala duwan la qaatay Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha, Guddoomiyaha Aqalka Sare, siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan Beesha Caalamka.

Masuuliyiin katirsan labada gole ee Dowlada iyo dadweyne kala duwan ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee Magaalada Kismaayo.

SOMALI NEWS

To Top