WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Duqa Muqdisho oo Maanta dhagax dhigay dhismaha Laami cusub

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa dhagax dhigay dhismaha waddada Xalane ee xiriirisa Muqdisho iyo degaanka Jaziira.

Waddadan oo ka mid ah kuwa ugu mashquulka badan ee Caasimadda ayaa waxaa ku yimid burbur uu sababay Roobkii ka da’ayay Magaalada Muqdisho bilihii la soo dhaafay taasoo isticmaalkeeda noqotay mid halis ah.

Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir iyo dadka degaanka ay iska kaashan doonaan dhismaha wadadan oo ay ku baxeyso lacag fara badan.

HALKAAN KQ DAAWO MUUQAALKA

Munaasabada Dhagax dhiga waxaa goob joog waxaa ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha guud ee Gobolka Banaadir iyo xubno kale.

SOMALI NEWS

To Top