WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Rooble oo Mucaaradka ka guddoomay xubnaha Cabashada ka jirto

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta xafiiskiisa kula kulmay xubno matalayay Midowga Musharraxiinta oo kala ah Madaxweyneyaashii hore Sheekh Shariif Sheikh Axmed, Xasan Sheikh Maxamuud iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada dalka ka guddoomay liiska xubnaha ay cabashada ka qabaan ee ku jira guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo dowlad-goboleed.

Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu oo la hadlay saxaafadda ayaa u sheegay in Ra’iisul Wasaaraha loo soo gudbiyay liiska xubnaha horey cabashada looga soo gudbiyay, isla markaana liiska uu la wareegay, una mahaceliyay Musharaxiinta.

Rooble ayaa horrey guddi heer wasiir ah u magacaabay xaqiijinta caddeymaha xubnaha guddiga maamulka doorashada ee labada heer ee ay cabashadu ka jirto sida ku cad qodobka 1aad ee Hishiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka.

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxda maamulada Puntland iyi Jubbaland ayaa horey cabasho uga soo gudbiyay Guddiyada labada heer ee doorashooyinka dalka, iyagoona ku eedeeyay in xubno ka tirsan Guddiga ay yihiin shaqaale DFS iyo NISA.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA SHIRKA

SOMALI NEWS

To Top