WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-RW Rooble oo magacaabay Guddiga qaban-qaabada maalmaha Xorriyadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo magacaabay Guddiga Qaban-qaabada Xuska Todobaadka Xorriyadda ayaa faray diyaarinta munaasabado muujinaya qiimaha shacabka Soomaaliyeed ay u hayaanmaalmaha xurriyadda iyo midnimada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay la joogo xiliigii dadka Soomaaliyeed ay soo nooleyn lahaayeen miro-dhalkii gobanimada, dowladnimada iyo midnimada, soona celin lahaayeen maqaaamkii iyo magacigii ay ku lahaayeen gobolka iyo qaaradda.

Xubnaha Guddiga eek u magacaaban wareegtada Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa Guddoomiye u ah Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe, halka uu Guddoomiuye Kuxigeenka uu ka yahay Wasiirka Amniga XFS Mudane Xasan Xundubeey Jimcaale.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa warbaahinta u Akhriyay Wareegtada magacaabista Guddiga Qaban-qaabada Xuska Todobaadka Xorriyadda, waxaana Guddiga la faray inay shaqadooda bilaaban.

SOMALI NEWS

To Top