WARARKA SOOMAALI

Askari Arrin xun ka sameeyay Magaalada Muqdisho oo la toogtay

Ciidamada Booliiska Saldhiga Degmada Dayniile ayaa xalay xaafada Sii Sii ee degmada Dayniile ku dilay nin xirnaa dareeska ciidanka milatariga oo xalay dhalinyaro ku sugneed xaafada Raadeelka ka dhacay moobeelo ay wateen.

Qaar kamid ah dhalinyarada xaafada Raadeelka oo daba galay ninka dhacay u geestay ayey u suurto gashay in ay ogaadaan gurigii uu galay, waxa ayna kadib u waceen ciidanka booliiska oo goobtaasi soo gaaray.

Ciidamada booliiska ayaana markii ay goob ta soo gaareen baadi goob u galay ninka dhaca geestay, waxaana daqiiqado kadib la maqlay dhoor xabadood uu ku geeriyooday ninkii dhaca geestay oo ku hubeesnaa qorayga AK-47.

Booliiska ayaana ninka la toogtay kasoo qaaday qorigii uu watay iyo moobeeladii uu soo dhacay, waxaana meydka ninka la dilay la wareegay CID-da oo baaritaano ku sameesay qaabkii uu u geeriyooday.

SOMALI NEWS

To Top