WARARKA SOOMAALI

Dad shacab ah oo Dil iyo dhaawac loo geystay iyo Banaanbax xoogan oo…

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka hir-Shabeelle ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta halkaasi lagu dilay qof Shacab ah oo kamid ahaa dadka magaalada mid kalena lagu dhaawacay.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dilka & dhaawaca dadka Shacabka ah uu ka dambeeyay askari ka tirsan Ciidamada Booliska Hir-Shabeelle ee ka howlgalla Magaalada Jowhar,

Warar la helayo ayaa sheegaya in Askari uu dadkaas uu dadka Shacabka ah ugu tegay gurigooda oo ku yaal Xaafada Kulmis gaar ahaan laanta Buulo Makiino ee Jowhar, isla markaana uu dilay.

Dilka kadib ayaa waxaa xaafado ka tirsan Jowhar uu ka bilaawday banaanbax looga soo horjeeda dilka loo geystay qofka Shacabka ah, kaas oo ay dhigeen Ehellada Marxuumka iyo saaxiibadiis.

Banaanbaxaayaasha oo wadooyinka Magaalada Jowhar qaarkood socod ku maray ayaa waxaa ay ku dhawaaqayeen Erayo ay kamid yihiin, Shacab dile doonimeyno, iyaga oo dalbaday in Cadaaladda la horkereno askarigii ka dambeeyay dilka iyo dhaawaca dadka Shacabka ah.

SOMALI NEWS

To Top