WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Dad u socday Doorashada Somaliland oo Shil ku dhintay

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay Shil gaari oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa uu gelinkii dambe ee shalay oo Axad aheyd ka dhacay duleedka Magaalada Berbera.

Shilkaas ayaa waxaa uu ka yimdi, kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo mid uu ahaa nooca Bas-ka ee dadweynaha raacaan iyo mid kale oo yar, waxaana shilkaas uu dhacay xili ay labada gaari isaga hor yimideen duleedka Berbera.

Inta la xaqiijiyay 4 qof ayaa ku geeryooday shilkaas dhacay, isla markaana waxaa ku dhaawacmay 7 qof kalena oo la gaarsiiyay Isbitaalka Magaalada Berbera, si xaaladooda Caafimaad loogu dabiibo.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWO MUUQAALKA

Dad goobta ka Agdhawaa ayaa gurmad xoogan u sameeyay dadka waxyeelada soo gaartay, waxaana la wararka qaarkood ee la helayo ay sheegayaan in dadka shilka galay ay u socdeen goobaha Codbixinta doorashada SOmaliland.

SOMALI NEWS

To Top