WARARKA SOOMAALI

Midowga Musharaxiinta oo Liiska xubno laga Cawday u gudbinaya Xukuumadda

Waxaa Maanta la filayaa in Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ay Xukuumadda Federaalka u gudbiyaan liiska dad gaaraya labaatameeyo ruux oo xubin ka ahaa Guddigii labada heer doorashooyinka dalka.

Xubnaha ay Midowga Musharaxiinta u gudbixinayaan Xukuumadda ayaa waxaa horey loogu soo eedeeyay inay yihiin shaqaalaha dowladda, iyo xubno ka tirsan Hay’adda Nabadsugida.

Guddiga Musharaxiinta u qaabilsanaa turxaan bixinta guddigan oo shalay ku shiray Hotelka Jazeera ayaa isku waafaqay tirada iyo xubnaha ay tahay in laga saaro Guddiga, iyagoo laga doonayo inay caddeymo u keenaan.

Sidoo kale Guddiga heerka Wasiir ee Ra’iisul Wasaare Rooble u saaray xaqiijinta caddeymaha xubnahan cabashada laga keenay ayaa la wareegi doona liiskaas, iyagoona bilaabaya kala saarka xubnaha Guddiga.

Guddiga heerka Wasiir ee shalay uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha ayaa kasoo tala bixin doona cabashada laga keenay xubnaha ku jira Guddigii labada heer ee doorashooyinka dalka, iyagoona la wadaagi doona Ra’iisul Wasaare Rooble.

SOMALI NEWS

To Top