WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Shacabka Somaliland oo u dareeray goobaha Codbixinta

Shacabka Somaliland ayaa maanta oo Isniin ah taariikhduna tahay 31-ka bishaan Maarso u dareeray goobaha codbixinta, si ay u soo doortaan Xildhibaannada golaha wakiillada iyo kuwa deegaanka.

Gudiga doorashooyinka Somaliland ayaa si rasmi ah dhawaan ugu dhawaaqay tirada guud ee codbixiyaasha, waxaana saakay dadka ay safaf dhaadheer u galeen Codbixinta.

Doorashada ayaa waxaa codkooda dhiiban doona dadka gaaraya 1,065,847, kuwaa oo codkooda ka dhiiban doono 2,709 goobood oo loo asteeyay codbixinta.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Musharrixiin gaaraya 246 ayaa u tartamaha golaha wakiillada halka 552 ay u tartamayaan golaha deegaanka. Doorashadan ayaa noqoneysa tii toddobaad tan iyo markii Somaliland ay ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.

SOMALI NEWS

To Top