WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Dowladda Somalia oo War kasoo saartay Doorashada Somaliland

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa hambalyo u diray Shacabka Somaliland ee berri u dareeraya Doorashooyinka baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka.

Guuleed oo khudbad ka jeedinayey Warbaahinta dowladda ayuu Doorashada Somaliland ku tilmaamay ilbaxnimo, isagoo tiriyey goobaha ay doorashadu ka dhaceyso iyo musharixiinta ku tartamaya.

“Waxaa qeyb ka soo ahaa doorashooyinka Somaliland 2001 ilaa ilaa 2017, Walaallaha Koonfureed waaan ugu baaqayaa inay cashar ka bartaan sida xorta ah oo qofka muwaadinka uu codkiisa u dhiiban karo, Doorashada ku soo aadan 2025 inay muwaadiniinta Soomaaliyeed xaq u yeeshaan inay doortaan xildhibaanka iyo madaxdooda” ayuu yiri Guuleed.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u rajeeyay Somaliland iney qaataan natiijada Doorashada kasoo baxdana ay aqbalaan.

SOMALI NEWS

To Top