WARARKA SOOMAALI

R/Wasaare Rooble oo Guddi xaqiijin u magacaabay Guddiga Doorashada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddiga xaqiijinta caddeymaha xubnaha Guddiga Maamulka doorashada ee labada heer ee ay cabashadu ka jirto.

Guddigaan oo ah heer wasiir ayaa xaqiijin doona caddeymaha xubnaha Guddiga Maamulka doorashada ee labada heer ee ay cabashadu ka jirto sida ku cad qodobka 1aad ee Hishiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka.

Sidoo kale Guddigaan ayaa la faray inay si dhaqsi ah u bilaaban howsha shaqo ee loo idmaday, isla markaana ay kala saaran xubnaha Guddiga doorashada ee horey Cabashada looga soo gudbiyay.

Guddigii doorashooyinka iyo kuwo xalinta khilaafaadka ee horey u magacaawday Xukuumadda Federaalka ayaa waxaa cabasho farabadan ka keenay Midowga Musharaxiinta, waxaana la sheegay inay ku jiraan Saraakiil Ciidan iyo shaqaale dowladeed.

SOMALI NEWS

To Top