WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Safiirka Itoobiya

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Maanta Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Itoobiya u jooga Soomaaliya Danjire Cabdifitaax Cabdullaahi Xasan.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka iyo heshiiskii maalmo kahor laga gaaray khilaafkii, is qab-qabsigii ka taagnaa qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa.

Sidoo kale kulanka Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Safiirka Itoobiya u jooga Soomaaliya Danjire Cabdifitaax Cabdullaahi Xasan ayaa looga arrinsaday Arrimo ku aadan deegaanada maamulka Jubbaland.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Safiir Cabdifitaax uga mahadceliyay booqasho uu ugu yimid, sidoo kalena Safiirka ayaa Axmed Madoobe uga mahadceliyay soo dhaweyntiisa.

SOMALI NEWS

To Top