WARARKA SOOMAALI

Taliye Xijaar oo Afhayeen cusub u magacaabay Ciidanka Booliska

Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa Afhayeen cusub u magacaabay Ciidanka Booliska, kadib wareegto kasoo baxday Xafiiskiisa.

Afhayeenka cusub ee Ciidanka Booliska dowladda ayaa loo magacaabay inuu noqdo Cabdifataax Aadan Xasan oo bedelaya Afhayeenkii hore ee Ciidanka Gaashaanle Sadiiq Aadan Doodishe oo xilkaas laga qaaday.

Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa faray Afhayeenka cusub ee Ciidamada inuu toos ah u guto waajibaadkiisa shaqo ee loo idmaday, isagoona xalay Cabdifataax Aadan markii ugu horreeyay la hadlay warbaahinta, kana hadlay Burcad lasoo qabtay.

Afhayeenka Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warbaahinta uga warbixiya howlgalada ay sameeyaan Ciidamada Booliska iyo dhibaatooyinka xiliyada qaarkood ka dhaca Magaalada Caasimadda ee Muqdisho.

SOMALI NEWS

To Top