WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Shuruudaha cabashada ee Doorashada Aqalka Sare oo lasoo saaray

Guddiga xalinta khilafaadka Arrimaha doorashooyinka dalka ayaa soo saaray habraacyada lagu xalinaayo khilaafka ka dhasha doorashada Baarlamaanka Aqalka sare iyo shuruudaha loo baahanyahay in la soo buuxiyo.

Xubnaha Guddiga ayaa waxaa ay soo bandhigeen shuruudaha cabashada laga keenayo doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare, kuwaas oo ka kooban Afar Qodob.

Qoraal ay soo saareen Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in Guddiga uu cabasho u soo gudbin karo oo kaliya Murashax soo buuxiyay shuruudaha Musharaxnimada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo la diiwaan-geliyay.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Guddiga xallinta khilaafaaadka doorashooyinka ayaa tilmaamay in Cabasho u soo gudbin karaan Xildhibaanada dowladaha xubnaha ka ah dawladda Federaalka iyo xubnaha Ergada loo xulay in ay u codeeyaan tartamayaasha Aqalka sare ee Somaliland.

SOMALI NEWS

To Top