WARARKA SOOMAALI

Wufuud kusii qul-quleysa Kismaayo, xili ay baaqatay Doorashada…

Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland ayaa garoonka diyaaradaha ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee Magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Federaal oo halkaas gaaray.

Guddoonka Guddiga doorashooyinka heer Federaal iyo xubnaha kale ee safarka ku jooga ayaa inta ay Kismaayo ku sugan yihiin waxa ay kulamo kala duwan la qaadan doonan qaybaha kala duwan ee ururada bulshada rayidka Jubbaland.

Sidoo kale inta ay ku sugan Guddiga Magaalada waxa ay kulamo kala duwan oo muhiim u ah geedi socodka arrimaha doorashooyinka dalka la qaadan doonan. Guddiga doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland kuwaas oo iyagu maalmahan ku mashquulsanaa sidii ay u qaban lahaayeen doorasho ku dhacda waqtigii lagu balamay islamarkaana ah mid hufan oo daahfuran.

Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka oo Maanta lagu waday inay ka bilaabato dalka ayaa waxaa markii saddexaad ku yimid dib u dhac, waxaana Maamulka Jubbaland uu hadda wadaan diyaar garoow ku aadan doorashada.

SOMALI NEWS

To Top