WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Qarax lala beegsaday Ciidamo Kenyaati iyo khasaaro ka dhashay

Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa waxaa gelinkii dambe ee shalay weerar dhabba-gal lagula eegtay degaan ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lasoo weriyay inuu ka dhashay weerarkaas lala eegtay Ciidanka Kenya oo ku socdaalayay inta u dhexeeysa deegaanada Kulbiyoow iyo Raas-kamboonin ee Jubbada Hoose.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda dhinaca Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada weerarka Jad-galka ee lala beegsaday kolonyada ay la socdeen Ciidanka Kenya, iyagoona xusay inay ku dileen 7 askari Kenyaan ah, halka tirro kalena ay ku dhaawaceen.

RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in Ciidamada Kenya ee la weeraray ay sahay isugu kala gudbinayeen deegaanada Kulbiyoow iyo Raas-kamboonin ee Jubbada Hoose, waxaana weerarka kadib la tilmaamay inay socdaalkooda horey u sii wateen.

SOMALI NEWS

To Top