WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Rooble oo magacaabay Guddi cusub oo ka xaqiijinaya…

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Guddi u magacaabay u ololeynta iyo xaqiijinta qoondada haweenka ugu yaraan 30% ee labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu magacaabay Guddiga xaqiijinta qoondada haweenka ugu yaraan 30%, kuwaasi oo ka kooban 13-xubnood oo dhammaantood haween ah.

Guddigan ayaa waxaa Guddoomiye looga dhigay Batuulo Sheekh Axmed Gaballe, iyagoona ka shaqeyn doona xaqiijinta qoondada matalaadda haweenka ee Goleyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Hoos ka Akhriso Magacyada Guddiga.

SOMALI NEWS

To Top