WARARKA SOOMAALI

Taalibaan oo Turkiga ka codsatay inay u maamulaan Garoonka

Kooxda Taalibaan ayaa weydiisatay Turkiga kaalmo farsamo si ay u maamulaan garoonka diyaaradaha ee Kabul kadib marka ay baxaan ciidamada shisheeye, laakiin Taalibaan ayaa ku adkaysaneysa in milatariga Ankara ay sidoo kale si buuxda uga baxaan Afghanistan dhammaadka bishan August.
Ý
Sida laga soo xigtay laba sarkaal oo Turkish ah, codsiga ay shuruuddu ku xirantahay ee Taalibaan oo imanaya kadib markii ay dib ula wareegtay xukunka Afghanistan 20 sano kadib markii uu dhammaaday duulaankii Mareykanka, ayaa Ankara uga dhigan qaadashada go’aan adag oo ku saabsan inay aqbasho shaqadan halist ah, haddii aysan ciidankeedu Afghanistan sii joogi doonin.

Turkey ayaa qeyb ka ahaa hawlgalka NATO ee Afghanistan, walina waxaa garoonka diyaaradaha ee Kabul ku sugan boqolaal askari, balse saraakiisha ayaa sheegaya inay diyaar u yihiin inay wakhti kooban uga baxaan Afghanistan.

Ma cadda in Turkigu oggolaan doono inuu bixiyo kaalmo farsamo haddii aysan ciidamadoodu halkaas u joogin si ay u sugaan ammaanka.

SOMALI NEWS

To Top