WARARKA SOOMAALI

Maxaa looga hadlay Shirka Maanta ee Golaha Wasiirada Puntland?

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Shir-guddoomiyay Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Puntland oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Imtixaanka Fasalka 8-aad iyo xaaladaha guud Gobollada Puntland.

Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa warbixinno ka dhageystay saraakiisha laamaha amniga oo ku saabsan hannaanka Nabadgelyo ee deegaannada Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa ku booriyay hay’adaha Nabadgelyada inay xoojiyaan amniga guud ahaan Gobollada Puntland, isagoo dhankale hambalyo iyo bogaadin u diray ardayda dhameysatay fasalka 8aad.

Shirka oo Maanta ka qabsoomay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa waxaa ka qeyb galay dhammaan Golaha Wasiirada dowlad Goboleedka Puntland iyo Mas’uuliyiin kale….

SOMALI NEWS

To Top