WARARKA SOOMAALI

Dil ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb iyo faah faahin la helay

Wararka aan ka heleyno Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saqdii dhexe ee xalay lagu dilay Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Maamulka Galmudug.

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in dilka loo geystay Askariga uu ka dambeeyay Askari kale oo ka tirsan Ciidanka Maamulka Galmudug, waxaana falka uu yimid, kadib markii labada Askari uu muran soo kala dhex galay oo markii sababay gacan ka hadal.

Magaca Askariga la dilay ayaa waxaa lagu sheegay Cumar Ballicad oo ka tirsanaa Ciidanka Booliska Galmudug, waxaana xiligii uu falku ka dhacayay ay labada Askari ku wada jireen shaqada.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in goobta uu ka baxsaday Askariga dilka geystay oo lagu magacaabo Cabdiqani Naasir Doceey, laamaha amniga ayaa saaka Magaalada Dhuusamareeb ka wada howlgal lagu raadinayo Askarigaas.

Si kastaba Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa waxaa horey sidaan oo kale uga dhacay dilal loo geystay Askar ka tirsaneyd Ciidanka Booliska Maamulka iyo kuwa dowladda Federaalka, waxaana qaarkood gacanta lagu dhigay Askar ka dambeysay falalka.

SOMALI NEWS

To Top