WARARKA SOOMAALI

DEG DEG:-Al-shabaab oo la wareegay degaano ay ka baxeen Ciidamo huwan ah

Al-Shabaab ayaa dib u qabsaday degaanada Bacaadweyne iyo Camaara ee gobolka Mudug, Kadib markii ay iskood uga soo baxeen ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyey in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay gudaha u galeen degaanadan, iyadoo aysan dhicin wax dagaalo ah, isla markaana ay wataan gaadiid farabadan oo ay ku rakiban yihiin qoryo.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa galmudug ayaan ka hadlin qabsashada deegaanada Bacaadweyne iyo Camaara iyo sababta kaliftay iney ka baxaan.

Talaadadii ayey aheyd markii ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedka Galmudug ay dib u qabsadeen magaalada Camaara ee Gobolka Mudug, halkaasi oo muddo kooban ay haysteen Al-Shabaab ka dib dagaal culus oo dhexmaray.

SOMALI NEWS

To Top