WARARKA SOOMAALI

Tahriibayaal ku sii jeeday dal ku yaal Afrika oo la qabtay

51 Tahriibe oo u dhashay dalka Malawi oo lagu soo dhex qariyey haanta Gaari Xamuul oo Booyadle ah ayaa lagu qabtay dalka Mozambique.

Tahriibayaasha waxay ku sii jeedaan dalka Koonfur Afrika,  sida aan ka soo xiganay Telefishinka Miramar TV ee dalka Mozambique.

Gaariga booyadda ee lagu soo qariyey Tahriibayaasha waxa inta badan lagu qaadi jirey Shidaalka.

Afhayeenka Waaxda Socdaalka ee Gobalka  Manica ee dalkaasi waxa uu tilmaamay in Tahriibayaasha dib loogu celin doono dalkooda hooyo ee Malawi.

Sanadkii hore,  Boliska dalka Mozambique waxay heleen Maydadka 64 Tahriibayaal Ethiopian ah oo lagu soo dhex qariyey Kontaynar saarnaa Gaari Tareel oo ku sii jeeday dalka Koonfur Afrika.

SOMALI NEWS

To Top