WARARKA SOOMAALI

SWEDEN: Dilalka loo geysanayo dadka Soomaalida oo korortay & Sheekh…

Dilka dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Swedan ayaa sii kordhaya, waxaa ugu dambeeyay wiil dhawaan lagu dilay degmada Hjulsta oo ku taalla Magaalada Stockholm ee dalka Sweden.

Hore waxaa dalka Sweden loogu diley dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku dhow 30-meeyo laga soo billaabo 2015-kii. Sagaal dhallinyaro oo ayaa sidoo kale dhaawacyo isu geystay.

Dhinaca kale, waddamada galbeedka waxaa ka jira in dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed, oo siyaabo kala duwan ay isugu dila ama loogu diley.

Sheekh Xuseen Faarax Xaaji Warsame waa imaamka Masjidul Nuur oo Soomaalidu maamusho kuna yaala xaafada Rinkybay ee Stockholm, waxaa uu sheegay in dilkaasi ay Ciidamada Booliska u qabteen ilaa Sidees Ruux.

SOMALI NEWS

To Top