WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Al-Shabaab oo goob Fagaare ah ku toogatay Haweeney

Maleeshiyaadka Al Shabaab ayaa fagaare kuyaala deegaanka Shaw oo ka tirsan gobolka Hiiraan waxa ay shalay galab ku toogteen haweeney ay ku eedeeyeen in ay ka tirsaneed ciidanka maamul Goboleedka Hirshabelle.

Dadweyne badan oo ka kala yimid xaafada deegaanka Shaw iyo saraakiil iyo askar katirsan Al Shabaab ayaa isugu soo baxay fagaaraha xukunka dilka ah lagula fulinayay haweeneydan Al Shababa ku eedeeyeen in ay aheyd askari.

Qaadiga MaxkamadDa Al Shabaab ee xukunka riday ayaa sheegay Anfac Xuseen Muxumed in ay katirsaneyd ciidamada maamulka Hirshabelle ee ku sugan xerada Lama Galay ee kutaala magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Al Shabaab ayaa marar badan xukuno dil ah ku riday rag iyo haween ay ku eedeeyeen in ay ahaayeen ciidamo iyo kuwa kale oo ay ku eedeeyeen basaasnimo, mana jiro ilaa ilo madax banaan oo eedeymo qaar xaqiijiya.

SOMALI NEWS

To Top